***
Wuxuu yidhi Xalay baan Riyooday! Haye waa Kow ,... Anigoo magaalada Hargeysa jooga goor fiid cawl ah; ayaan gurigayga ka soo baxay , guriga hortiisa waxa ii taagna oo aad mooday inu I sii sugayay dacaw!, wuu I soo dabo galay , ha i dabo socdo wuxu bilaabay inuu igu ciyo, cidiisii waxay soo kicisay dacawooyin badan , meeshu cidlo maaha oo dad tiro badan ba iiga muuqada oo is dhaaf dhaafaya , wadada hareeraheeda meel walba taagan/ka muuqda , badhkood ima arkayaan way i dhaafayaan kuwo kale way I daawanayaan , qaarba ila hadlayaa laakiin uma jawaabi karo , qaar ba dacawga hareeraha ka socda oo aad moodaa inay galbinayaan marku qayliyana sacab iyo mushaxarad baan maqlayaa aan badnayn ,heeso waan maqlayaa waxa ka xusuustaa ,"Dalkeena nimcaa fadhida" iyo heesta kale tidha "Somaliland dalkayga , Somaliland Dadkayga!" iyo qaar kale oo badan.
Waxaanu dacawgii is dabo soconaba , waxa mar kaliya yug igu soo yidhi dacawooyin badan oo aanan meesha ka filayn ,,midba dhan bay igaga ciday ana warankayga galka ka saaray kolba dhan ba u booday anigo aan meeshaydi ka dhaqaaqin, qaniinyo iguma dhicin ,qaylo iyo aragagax se iguma yara , hadala igu soo duulaya , oo maxay leeyihiin , Muxu ahaa ninkani? , ninku naf adagaa!! , walee waa geesi! ,, oo miyuu ka cararo maxa dhigay meesha? ,,oo ninku mahadlayee waa sidee maxa aamusiyeey iyo hadalo tiro badan oo kale !!!
Halka markay marayso ayaan ileen waan hurdaa oo waa riyee soo toosay ,,Shaydaankana iska naaray - Acuudi BIlaahi mina shaydaani Rajiim!
***
Ha la iga raali ahaado , Ma ihi dadka Riyooyinka fahma ana fasiro ,waanse soo gudbiyey!
Mahadsanidin.
W/Q : Mohamed Dubbe

ReplyDelete