Shaahu wuxu ka mid yahay cabitaanka Dadka Somalidu qabatintay sanado badan sida la sheego oo ku siman wakhtigii Isticmaarka! Odhaah caan baxday ba waxay ahayd "Ingiriis wuxu na baday wuxu na baraa nagaga daran" inkastoo siyaabo kale loo sheego haddana shaah inay ku aroorto ayaa igu maqaalo ah.
Shaahu wuxu leeyahay xaraarad iyo khamrad qofka qabata marku u baahdo si la mid ah Buuriga ama Bunka ; qofka bartaa ilaa uu cabo ma nafiso haddii uu cabi waayo waxay dad badan sheegaan in madax xanuun iyo caajis badan ay la kulmaan sidaa darteed waa in Koobka shaaha ay qac ka siiyaan si ay uga hawl yaraystaan caajiska iyo wax yaalaha ay kala kulmaan.
Waxa la sheegay nin odaya oo shaah qamax ah! aadna u qabatimay cabitaanka shaaha uu maalin maalimaha ka mid ah goor casar ah uu soo galay Maqaaxi kuwa shaaha laga cabo kuna taal magaalo ka mid ah magaalooyinka dadka somalida! wax yar ka dib marku soo galay maqaaxida ayuu kambadhuudhsaday wuxuna dhulka dhigay alaabadi uu gacanta ku sitay isagoo dabada saaray Hangoolkii labada gacmoodna ku haysta / cuskanaya! shaah bu dalbaday oo ku dhawaaqay isagoo leh " Inantaay walaal Koob shaaha oo caano leh ii keen" Markii koobki shaaha ahaa ee caanaha lahaa loo keenay ......Ayuu Inantii Maqaaxida lahayd u raaciyey walaal Liin dhanaana ii soo raaci!! , Inantii baa Koob shaaha oo caano leh u keentay Liin dhanaantina waxay ku tidhi haddaad ku darto shaahay ka gogonaysaaye ka daa!!
Ninkii Odayga ahaa wuxu yidhi mayee walaal ii keen aniga u baahane...Inantii iyadoo la yaaban ayay u keentay Liin dhanaantii oo laba u kala jeexan una soo fududaysay si ayna hawl kale uga qabsan isna u dalban midi uu ku kala jeexdo waanu ka gudoomay!! wax yar ka dib Shaahi caanaha lahaa iyo liin dhanaantii ayuu gadhka isku galiyey cabaar ka dib bu arkay shaahi oo sidii inantu u sheegay noqday oo aan la cabi karin oo is badalay lana moodo in lagu daray caano gadhoodhay ama caano wakhtigii loogu talo galay in la isticmaalo dhaafay!
Ninki xaraaradi shaahuna way haysa ee garo ; shaah caano leh iyo liin dhanaana in naftiisa Jamatay!! laakiin waxaanu garanayn siday isku noqonayso oo isaga waa u caadi!! Inanti bu mar kale u yeedhay wuxu yidhi Walaal shaah madaw ama Bigays ah (waa hadba sidaad u taqaan) ii keen , gabadh hayo san oo shaqo wacan bay ahayde si cag fudud ayay ugu keentay shaahii madooba iyo liin dhanaantii oo wada socda markaasay ku tidhi labadan ba is qadanayee hooyoo isku cab ; iyadoo u raacisay miyaanan ku sheegin in aan la isku darin shaah caano leh (cadays ah) iyo Liin dhanaan!
Haye san iyo gudoon! Liin dhanaantii iyo shaahi madooba may noqon sidii shaahi hore caanaha laha ee uu isku daray kuna khasaaray, marku isku daray waxay u noqdeen wax la cabi karo oo dhadhan wacan!
Ninkii odayga ahaa marku laastay koobki shaha ahaa isagoo aan dhulka mar qudha dhigin ilaa uu ka dhamaanayay ayuu Labadii Rubadood ee labada fijaan ee shaaha ah ki khasaaray iyo ki kale ee uu cabayba lacagtoodi bixiyey wuxuna ku yidhi inantii Adeer waad Mahadsan tahay laakiin waa Rubad lagu ilbaxay!!
Nuxurka sheekada iyo xigmada ku jirta waa idinku idinka!!
WQ \ Mohamed Dubbe
No comments:
Post a Comment